Waxaa soo baxaya warar sheegaya in shirkadaha Diyaaradaha Dalalka Imaraadka Carabta iyo Itoobiya qaadaceen oo ka hor imaadeen amarka dhawaan ay Dowlada Somalia ku soo rogtay dadka Somalia soo aadaya wata baasaboorada ajaanibta inay Viisaha Somalia ku soo dalbadaan qaab Online iyagoo isticmaalaya E-Visaha taaso u suuragalinaya Dowlada Somalia in dhaqaalaha uu toos akoonkeeda ugu soo dhaco.
Labada shirkadood ee Fly Dubai iyo Etiopian Airelines ayaa labadaba la soo sheegayaa inay dadka ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland u ogolaadeen inay diyaaradahaasi raacaan bilaa E visaha Dowlada Somalia.
Maamulka Somaliland ayaa la soo sheegayaa inay ugu hanjabeen shirkada Fly Dubai inay Hareysa ka mamnuuci doonaan hadii ay u hogaansamaa awaanmiirta Dowlada Somalia.
Shirkadaahaan talaabooyinka qaadeen oo ka hor imaanaya madax banaanida iyo midnimada Somalia ayaan la ogeyn talaabada ay Dowlada Somalia ka qaadi doonto hadii ay xaqiiqo noqoto wararkaan oo aan wali loo heyn cadeyn.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
