HomeWarkiiMaxaa ka jira in Somaliland iyo Puntland isla qorsheynayaan arin halis ku...

Maxaa ka jira in Somaliland iyo Puntland isla qorsheynayaan arin halis ku ah shirka laas-caanood

LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar aanan xaqiiqo u heyn oo ah in Maamulada Somaliland iyo Puntland isla qorsheynayaan arin halis ku ah geedi socodka shirka Laas-caanood ee dhameystirka maamulka SSC Khaatumo .

Labasda Maamul waxaa ka wada go’an sidii looga hortagi lahaa inay is fahmaan reer Maakhir iyo reer Khaatumo kadibna uu shirka uga soo baxo maamul Goboleed buuxa oo ka dhex sameysma Somaliland iyo Puntland dhexdooda.

Wararka qaar oo baraha bulshada lagu shaaciyay ayaa sheegaya in xitaa ay jirto ilaa heer falal toogasho ah oo laga sameeyo gudaha laas-caanood si la isugu diro labada reer ee SSC Khaatumo uu ka dhaxeeyo ee Warsangeli iyo Dhul-bahnte.

Wararkaan oo aan xaqiiqo loo heyn waxay intaasi ku darayaan falalka kaliya ee la isaga hor keeni karo ay tahay in toogasho loo geysto waxgaradka ama siyaasiyiinta ka yimid dhanka Sanaag ee beesha Warsangeli si ay ugu fahmaan in reer Laas-caanood cadow ku yihiin iyaga.

Sida la ogyahay hadii maamulka SSC Khaatumo si rasmi ah labada dhinac iskula xambaaraan waxaa labada maamul ee somaliland iyo Puntland ay weyn doonaan dhulal ay hada iyagu ka arimiyaan Ceeri-gabo,dhahar ,Buuhoodle ,Ceel-buh iyo kuwa kale.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -