Waxaa soo baxaya warar sheegaya inuu isku day dil ka bad-baaay Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Odowaa Yuusuf Raage oo arimo shaqo u tagay Gobolka shabeelaha dhexe oo xarun u ah Maamul Goboleedka Hirshabelle.
Taliyaha waxaa la sheegay in gaarigiisa loo dhigay qaraxa balse uu ka bad-aabaday mana jirto wax dihibaato ah oo ka soo gaaray sida uu sheegay Siyaasi Cali Yarre oo aan sii faahfaahin halka uu xogta ka helay.
Qaraxa oo la sii diyaariyay ayaa la doonayay in Taliyaha lagu bartlmaameedsado walow uu fashil ku soo dhamaaday qorshahaasi la doonayay in lagy qaarajiyo Taliye Odowaa.
Wasaarada Gaashaandhiga,Taliska ciidamada xoogga iyo taliye odowaa laftiisa midkoodna kama hadlin isku daygaan iyo waliba cida ka dambeysa.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
