HomeWarkiiMaxaa ka jira in Turkidu ka danbeeyaan duqeynta lagu laayay kooxaha Burcad-badeeda...

Maxaa ka jira in Turkidu ka danbeeyaan duqeynta lagu laayay kooxaha Burcad-badeeda loo yaqaan

Afar ka mid ah kooxaha loo yaqaan Burcad Badeeda ayaa geeriyoosay kadib gantaal lala helay dooni ay wateen xili ay ku sii jeedeen Markab ay dhawaan qafaasheen kaasoo taagan xeebta Garmaal ee Gobolka Nugaal ee dhulka Maamulka Puntland.

Maraakiibta caalamiga ah ee ku sugan Badaheena ayaa la sheegay inay ka danbeeyaan duqeyntaan gaar ahaan waxaa soo baxaya warar sheegaya in Dowlada Turkida ay ka danbeyso duqeyntaan

Wararkaan oo aan wali xaqiijin ayaa sheegaya in Markabka raran ee Burcadu qafaasheen ay Turkidu leeyihiin islamarkaana uu sido hub.

Wararku waxay intaasi ku sii darayaan in Turkidu Burcad badeeda u qabteen 24 saac gudahood inay uga degaan Markabka islamarkaana iska fasaxaan hadii kale ay weerar toos ah ku qaadi doonaan.

Ma jirto wax war ah oo ilaa iminka ka soo baxay Dowlada Faderaalkq Soomaaliya iyo waliba Maamulka Puntland kaaso looga hadlayo dhacdadaani.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA

DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -