HomeWarkiiMaxaa ka jira in Turkigu dhaqaalihii ka jartay Dowlada Soomaaliya

Maxaa ka jira in Turkigu dhaqaalihii ka jartay Dowlada Soomaaliya

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Sida Dowlada Somalia cadeysay Dowlada Turkiga ayaa ka caga jiideysa dhaqaalihii ay siin jirtay Dowlada taasoo lagu kabi jirey maaliyad sanadeedka iyagoona hal mar isku bixin jirey 12-kii bilood-ba hal mar.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Bixi Iimaan Cige ayaa saxafaada u sheegay in Dowlada Turkiga sanadkaan aysan bixin dhaqaale maaliyadeed ay siin jirtay sanad kasta Dowlada Soomaaliya xili sanadku dhamaad yahay oo uu ka harsan yahay wax ka yar bil haafkeed.

“Turkiga oo kamid ah saaxiibada Soomaaliya kuwooda safka hore  weli nama siin  taageeradii miisaaniyadeed ee sanad kasta ay na siin jireen iyadoo sanadkiina uu nagu dul dhamaaday” ayuu yiri  Wasiir Bixi Iimaan Cige

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Bixi Iimaan Cige wuxuu xaqiijiyay in Turkigu sanadihii la soo dhaafay si toos ah u bixin jirey maaliyad sanadeedka uu siiyo Dowlada Somalia,dhanka kale wuxuu sheegay in sanadkaan Dowladu dhaqaale ka heshay Midowga Yurub, Qaramada Midoobay.

Si kastaba wali cadeyn sax ah looma hayo sababta Turkigu uga caga jiidayo dhaqaalihii uu siin jirey Dowlada Somalia walow ay dhici karto inay wax tabanayaan Turkidu balse waqtiyada soo aadan waxaa macquula inay banaanka timaado sababta.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -