HomeWarkiiMaxaa ka jira in Vila Somalia joojisay shirkii Kismaayo ku dhex-mari lahaa...

Maxaa ka jira in Vila Somalia joojisay shirkii Kismaayo ku dhex-mari lahaa mucaaradkeeda

Waxaa soo baxaya in Dowlada Somalia ku guuleysatay inay mucaaradkeeda ka joojiso shir ay dhamaadka bishaan ku yeelan rabeen siyaasiyiinta mucaaradka Dowlada ee ku midoobay Golaha mustaqbalka kuwaasoo kala ah samatabixinta iyo maamulada Jubaland iyo Puntland.

Shirkaan oo uu marti gelin lahaa Maamulka Jubaland ayay Dowladu u martay Dowlada Kenya kuwasoo ka codsaday Axmed Madoobe inuu joojiyo shirkaasi islamarkana uusan qaban shir aysan Dowladu waxba kala socon xili ay Kenyaanku hore u wadeen qorshe ay heshiis ku gaarayaan Madaxweyne Xasan iyo Axmed Madoobe.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Madaxweyne Xassan madaxda Dowlada Kenya kala hadlay in la joojiyo taasoo badalkeedana hore Kenyaanku Madaxweyne Xasan uga codsadeen inuu joojiyo qorshihisa sameynta Jubaland cusub oo Garbahaareey laga yagleelo.

Is-fahamkla labada Dowladood ayaa waxaa loo maleynayaa inuu yahay mid loogu sii gogol xaarayo inuu markale Madaxweyne Xasan ku laabto Kismaayo si mar kale uu isugu dayo inuu heshiis la saxiixdo Axmed Madoobe tasoo hore loo shaaciyay inay tahay sidii Axmed Madoobe ku aqbali lahaa inuu qabto doorashooyinka Golaha deegaanka ee dalka oo dhan uu rabo Madaxweyne Xasan in laga hirgeliyo halka uu ku badalan doono in Dowladu aqoonsato dib u doorashadii Madaxweynaha Jubaland ee Axmed.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -