HomeWarkiiMaxaa ka jira in Villa Somalia ergo u dirtay Sanbaloolshe si loogu...

Maxaa ka jira in Villa Somalia ergo u dirtay Sanbaloolshe si loogu soo celiyo Xisbiga JSP

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxtooyada Somalia ergo u dirtay C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo ah Agaasimihii hore ee Nabad sugida iyo sirdoonka Somalia kaasoo dhaweaan ka carooday Madaxweyne Xassan markii uu xaqiijiyay in Hirshabelle Dowladu la rabto Cali Guud-laawe madaama Sanbaloolshe damac uga jirey inuu JSP ahaan ugu tartano xilka ugu sareeya Maamulka Hirshabelle.

Inkastoo aanan xaqiiqo u heyn hadana waxaa soo baxaya in loo direy Sanbaloolshe laba ergo kuwaasoo madaxtooyadu ka dalbatay inay dhex dhexadin u sameeyaan si looga heshiiyo waxyaabaha sababay kala taga Madaxweyne Xassan iyo Sanbaloolshe.

Lama yaqaan inuu guuleysan doono isku deygaani Odayaasha lagu dhex dhexaadinayo xili wareysi u dhawaan bixiyay sanbaloolshe uusan waxba reeban oo Madaxweyne Xassan iyo Dowladaba uu kabaha la dul maray ilaa uu gaaray inuu xitaa Dowladnimada ka dhigo daneysi oo kaliya marka la eego meelaha qaar markii uu ka hadlayay.

Dhanka kale dhex dhexaadintaan Sanbaloolshe iyo Madaxtooyada ayaa ku soo aadeysa xili Xisbiga JSP cadeeyay in musharaxoooda uu yahay Cali Guudlaawe taasoo yareyneysa rajada dhex dhexaadnimada hadiiba ay si dhab ah u jirto oo ay banaanka timaado.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -