Warar soo baxay ayaa sheegaya in  Dagaal yahanada Xamaas ee reer Falastiin ay sii daayeen laba ruux oo u dhashay dalka Mareykanka kuwaasoo ka mida ahaa dadkii ay ka soo qafaasheen dhanka Yuhuuda 7-dii bishaan October.

Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warramaysa sii deynta labadaasi Mareykanka ah oo ay Xamaas ku haysteen Qaza inkastoo wali aysan jirin ilo ka madax banan Yuhuuda oo cadeynaya warkaasi.

Advertisement

Warkaan Isra’iil warbaahntooda laga maqlay waxaa shaki gelinaya malaha faahfaahin ,sidoo  kale ma sheegin sababta loo sii daayay in dad ay ku badasheen iyo inkale.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ku dhow inay shir jaraa’id ku qabato magaalada Washington sida bbc-du sheegtay si ay ukala cadeeyaan jiritaanka warkaasi.

Xamaas dhowr arin bay ku sii deyn karaan maxabiista hadiiba ay jirto waa marka hore  in dadkaani Mareykankaa yihiin dad muslimiin, dad hay’ado rayid ah u shaqeynaayay iyo in lagu badasho dhaqaale ama maxaabiis laga haystay Xamaas iyo mida u daneysa oo ah inay noqdaan waayeelo xanunsan oo cuduro waaweyna qaba.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleIlhaan Cumar oo sheegtay in fariimo hanjabaadyo ah loo soo direy.
Next articleQarax saaka ka dhacay duleedka Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here