Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Dagaalamayaasha Alshaabaab ay ka danbeeyaan colaada ka taagan Gobolka Shabeelaha dhexe gaar ahaan deegaanada hoos taga Magaalo xeebeedka Caddalle.

Sida uu bartiisa Facebook ku baahiyay mid ka mida wariyayasha baraha bulshada aadka u isticmaala oo lagu magacaabo Xuseen Cabdulle ilaa afar nin oo beel ahaan ka soo jeeda Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa loo soo adeegsaday inay huriyaan colaadaasi beeluhu is dilayaan islamarkaana guryaha iska gubayaan.

Advertisement

Afarta nin ayuu sheegay 2 ay ka soo jeedaan Magaalada Mahadaay ayna hadaba ku sugan yihiin deegaano hoos taga Mahadaay islamarkaana Alshabaab xiriri la leeyihiin.

labadaan xubnood oo magacydooda uu ku soo kala gaabshay cusmaan iyo Muuse ayaa dhanka maaliyada u qaabilsan dagaalamayaasha Alshabaab.

Muuse wuxuu sidoo kale ka tirsan yahay Alshabaab isagoo isku wata labada Card oo mid mar uu la shaqeeyo.

Labada nin kale ayuu mid wariyahaani ku  sheegay inuu  ka tirsan yahay ciidamada dowlada uuna ku sugan yahay Magaalada Caddallle wuuna qariyay magaciisa.

Midka afarad waa ganacsade wuxuuna iibiyaa hubka waana nin Dowladu ka warheyso oo dhowr marna xabsiga la dhigay.

Deegaanada hoos taga Magaalo Xeebeedka Caddalle xalay oo u danbeysay waxaa lagu dilay 5 ruux oo isku qoys ahaa waxaana ay kala ahaayeen macalin Dugsi quran iyo ehalkiisa kuwaasoo xeriisa u badnaa.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here