HomeWarkiiMaxaa ka jira in xubno ka mid ah wafdi ay dowladda Soomaaliya...

Maxaa ka jira in xubno ka mid ah wafdi ay dowladda Soomaaliya u dirtay dibadda ay isdhiibeen

=XIGASHO BBC SOMALI=Dowladda Soomaaliya ayaa warkaan been abuur ku tilmaantay

Dhawaan waxaa warbaahinta iyo baraha bulshada ku faafay warar sheegaya in wafdi ka socday dowladda Soomaaliya oo ka qaybgalaayay shir ka dhacaayay wadanka Switzerland magaaladiisa caasimadda ah ee Geneva in wafdigaas xubno ka tirsan ay baxsadeen amaba is dhiibeen. Wasaaradda ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku beenisay arrintaas.

Haddaba si’aan su’aalo dheeraad ah u weyddiinno wasaaaradda waxaan la xidhiidhnay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in badidood xubnahii Soomaaliya ku metalaayay shirkaas ay noqdeen.

”Runtii waxaan imaanay kowda bisha shirka Ururka Shaqaalaha Adduunka ee sanadlaha ahaa waxaana uga qaybgalay si buuxda inta badan xubnahii kasoo qayb galay shirkaasna qaarkood way laabteen” ayuu yidhi Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya Yuusuf Maxamed Aadan.

Wasiirku waxuu xusay in ay jiraan wali dad aan laabanin oo howlo usii jooga dalkaas kuwaas oo qorshahu yahay in ay noqdaan 13-ka bishaan oo shirku soo xidhmaayo.

”Afar qof oo aan annigu ku jiro ayaa joogta, illaa 13-da bishaan ayuu ku egyahay shirkaan waxayna u joogaan si’ay uga qaybqaataan shaqooyin muhiim ah.”Yuusuf Maxamed Aadan.

Waxaan weydiinay wasiirka waxa ka jira sheegitaanka ah in qaar kamid ah wafdigiisa ay isdhiibeen amaba ay goosteen; arrintaas ooo uu wasiirku beeniyay.

”Waxaan kuu xaqiijinayaa warkaas in uu yahay mid been ah oo sal iyo raad toona aan lahayn” ayuu yiri wasiirku.

Asalka faafifaanka warkaan ay wasaaraddu ka hadashay iyo waxa keenay; ayaan sidoo kale wax ka weydiinay wasiirka iyo in dhammaan uu xaqiijin karo in wafdigii la socday wasiirka ay isaga la jogaan kuwa aan weli soo noqonin.

”Waxaa naloo xaqiijiyay in warkaas uu ka yimaaday dad danno kale wata oo raba sumcadda wadanka iyo sumcadda wasaaradda in ay xumeeyaan, laakiin waa nasiib daro.” Ayuu yidhi wasiirku Isaga oo ka hadlaya meesha uu warkaan ka yimaaday.

Wasiirka ayaa xusay in ay baadhitaan samayn doonaan ku aaddan faafinta warkaan uu ku sheegay in uu yahay mid been abuur ah, waxuuna xusay in ay sharciga la tiigsan doonaan dadka arrimahaa ku lugta leh.

”Annaga waxaan bilaabi doonaa diiwaangelinta ururinta cadeymaha si loo qaado talaabooyin sharci ah.”

”Dadka shaqooyinkaan ku howlana waxaan horgeyn doonaa sharciga, waxaana ku boorinayaa umadda Soomaaliyeed in ay ka feejignaadaan waxyaabahaas beenta ah.” ayuu ku daray hadalkiisa wasiirku.

Shirkaan oo ahaa Kalfadhiga 113 -aad ee Ururka Shaqaalaha Adduunka, ayay kasoo qaybgaleen, wakiillada dawladaha, loo-shaqeeyeyaasha iyo shaqaale ka kala socda 187-ka waddan ee xubnaha ka ah ILO (Ururka Shaqaalaha Adduunka), waxuuna ahaa mid ay kaga hadlaayeen arrimo muhiim ah oo la xidhiidha adduunka shaqada, sida: suurtagalnimada dejinta xeerar caalami ah oo cusub oo lagu ilaalinayo shaqaalaha, ka hortagga halista nooleyaasha cudurrada keena ee goobaha shaqada, shaqooyin sharaf leh oo ka jira madalaha dhaqaalaha iyo habab cusub oo lagu dhiirrigelinayo u gudbidda dhaqaale nidaamsan si looga guuro nidaamyada aan habaysnayn ee aan rasmiga ahayn.

Arrintaan ayaa imanaysaa xilli si xoogan looga dareemaayo dalka qulqul dhallinyaro ah oo nolol u raadsanaysa wadama galbeedka taas oo waayahanba ah sheekooyinka ugu waaweyn ee hadal haynta baaxadda-leh ka dhex abuuray guud ahaan dhulalka Soomaali=da.

=XIGASHO BBC SOMALI=

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -