HomeWarkiiMaxaa ka jira inay Muqdisho ay isaga baxeen 60 shaqaale Shisheeye ah...

Maxaa ka jira inay Muqdisho ay isaga baxeen 60 shaqaale Shisheeye ah kafib jabsigii Xogta E-Visa

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in saacadihii ugu danbeeyay ay Muqdisho isaga baxeen 60 qof oo ka mid ahaa shaqaalaha shisheeye ee ka jowlgala xerada xalane.

Xalane waxaa degan sida la ogyahay shaqaalaha iyo sirdoonka reer galbeedka waxaaana ku waardiyeeya ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM .

Shaqaalahaan Muqdisho isaga baxay oo si gaar ah loo sheegay inay yihiin khuburada sirdoonka reer galbeedka ayaa loo aaneynayaa bixitaankooda  ka dib markii la jabsaday Xogta Nidaamka  E-VISA ee dawladda Soomaaliya, isla markaana banaanka la soo dhigay xogta 35,000 qof oo shisheeye ah.

Sida lagu shaaciyag Wargeyska Daily Express ee Mareykanka ka soo baxa,saraakisha ka carartay Xamar ay u cabsadeen amnigooda madaama xogtooda la helay sida ay aaminsan yihiin.

Dhanka kale safaaradaha Shisheeye waxay diideen  adeegsiga  nidaamka E-VISA sida wararka qaar sheegayaan lamana yaqaan sida Dowladu uga fal-celin doonto hadii warkaasi run noqdo.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA

DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -