BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Hogaamiyaha Daacish-ta Somalia C/qaadir Muumin uu ka baxsaday gudaha Somalia gaar ahaan goobihii uu kaga sugnaa buuraha gobolka Bari gaar ahaan Cal-miskaad kadib dagaalo halkaasi ka socday dhowr bilood.
Afhayeenka hawlgalka Hillaac ee Puntland Gen. Maxamuud Faadhigo ayaa saxaafada u sheegay inay ka maamul ahaan baarayaan oo xaqiijinayaan hadii ay run tahay inuu baxsaday C/qaadir Muumin
Afhayeenka wuxuu sidoo kale sheegay inayu baarayaan xogta la xiriira inuu dagaalka kahor ku sugnaa Galbeedka Afrika iyo arrimo kale kadibma ay kala cadeyn doonaan wixii ka soo baxa baaritaankooda.
” C/qaadir Muumin waa la malaynayaa inuu cararaayo,mar hadii kuwii hawsha watay jabeen”ayuu yiri Afhayeen Faadhigo.
Sarkaalkaan wuxuu sharaxaad ka bxiyay soomaalidii ajaaibta ku wehlineysay dagaalka wuxuuna sheegay intooda badan inay isa soo dhiibeen halka qaarkii kalana kala noqdeen mid dhintay iyo mid cararay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

