MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya inuu is casilay Xuseen Macallin oo ah La-taliyihii Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.
Inkastoo warkaani si rasmi ah loo shaacin hadana waxaa warar soo baxaya sheegayaan inuu gudbiyay waraaqdiisa is casilaada islamarkaana aysan cadeyn in laga aqbalay iyo inkale.
Warar kale ayaa sheegaya in Madaxweyn Xassan raali ka ahayn is casilaada Xuseen Macalin balse warar sugana uusan kasoo saarin.
Sababta is casilaada masuulkaani ayaa warar kala duwani ka soo baxayaan iyadoo lala xiriirinayo xaaladaha amni ee dalka ka jirta xiligaani,si kastaba wararkeena danbe ayaan idnku soo gudbineynaa faahfaahinta hadii Rabi idmo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM

