Somaliland oo xalay go’aansatay in maanta ay soo afjarto Banaanbaxyada Laascaanood ayaa ku guuldareysatay, sida muuqata saacado dheer oo isgaarsiinta la damiyey, nooc kasta oo ciidamo ah la keenay jidadka magaalada, waxba kama faa’iidin Somaliland.

Inta la xaqiijiyey in ka badan 15 qof ayay ciidanka Somaliland maanta xireen, ganacsato, haween iyo dhalinyarro ayaa la xaqiijinaya in ay noqdeen dhimasho iyo dhaawac-ba, taasna ma keenin in la joojiyo banaanbaxyada.

Isku socodka jidadka ayaa taagan, Rasaas ayaa la maqlayaa, dhalinyarro banaanbaxaysa oo dalbanaya in Somaliland ka baxdo Sool ayaa tuban, Somaliland-na waxay adeegsanaysaa rasaasta culus.

Shirkadaha Isgaarsiintu, waxay sheegeen in awood loo adeegsaday daminta Khadka internet-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here