NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo badanaya hadalo baraha bulshada lagu wareejinayo kuwaasoo ah cabsi gelin ku socota Soomaalida Xaafada Islii ee Nairobi ganacsiga iyo deegankaba uu u yahay.
Hadaladaan cabsi gelinta ah ayaa sheegaysa in siyaasiyiin Kenya laga yaqaan inay soo abaabuleen burcad kuwaasoo isniinta ku soo wajahan Xaafada Islii si ay u boobaan ama u dhacaan hantida Soomaalida.
Burcada loo diyaariyay Soomaalida inay dhacaan ayaa ah kuwa Dalka Kenya ka wada banaan-baxyada ka dhanka ah Dowlada Madaxweyne Wiliam Ruto, sida ay hore u go’aansadeen waxay sheegeen inay bil kasta 7-da marka la gaaro inay banaanbaxyada ku soo aadin doonaan.
Banaanbaxayaasha ayaa inta badan waxay ku egyihiin gudaha Magaalada halka loo yaqaan Town-ka oo ah Faras magaalada Nairobi gaar ahaan xarumaha waa weyn ee Dowlada sida madaxtooyada ,Baarlamaanka iyo goobaha kale waana meesha ay isku burbursadaan Booliska iyo shacabka.
Sida ay sheegayaan wararkaani lagu cabsiinayo Soomaalida siyaasiyiinta mucaaradka ee banaanbaxyada ka danbeeya ayaa markaan qorshahoodu yahay inay banaan-baxayaasha u soo jiheeyaan dhanka Islii oo hantida Soomaalida ay taalo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM