waxaa warbaahinta maxaliga ah iyo baraha bulshada lagu faafiyay war sheegaya in Sheekh Umal aad u xanuunsan yahay islamarkaana uu salaadii subax ee saaka xanuun dartiis uga baxay jameecada masjidka abuubakar sadiiq ee Magaalada Nayroobi.
Sida ay BBC-da laanteeda afka Soomaaliga sheegtay waxaa la beeniyay warkaasi iyadoo culumaa’udiin asxaabtiisa sheegeen inay tahay been aan sal lahayn.
Shiikah waxaa la sheegay inuu caafimaad qabo islamarkaana saaka sababta uu uga baxay jameecada ay ahayd lalabo uu dareemay sidaas daraadeedna ka cabsaday inuu masaajidka ku matago.
Sidoo kale waxaa la sheegay inuu musqusha matag u aaday islamarkaana soo weysa qaatay kuna soo laabtay isla salaadii subaxna uu la dhameystay jameecada.
“waxba kama jiraan in shiikj Umal xanuunsan yahay wuu fiican yahay salaadii jimcahana wuu nala soo tukaday “ayuu yiri mid ka mida howlwadeenada majiska lixaad ee Islii oo ah masaajidka uu shiikha u badan yahay.
Si kastaba Wadaadka oo ka mida kuwa ugu caansan Soomaaliya ayaa dhawaan ka yimid dalka India halkaasuu uu howlo caafimaad u aaday.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM