XIGASHO LAACIB.NET

Toddobaadyadii u dambeeyay, magaca Vitinha ayaa si weyn loola xiriirinayay Real Madrid, balse sida ay sheegtay Culture PSG, wararkaasi gabi ahaanba ma aha mid run ah oo ku saabsan khadka dhexe ee PSG.
Sheekadani waxay ka bilaabatay warbaahinta u janjeerta Real Madrid ee Defensa Central, kuwaas oo bartamihii bishii Maajo ku waramay in Vitinha uu yahay xulashada Madrid ee lagu beddelayo Luka Modric.
Isla ilahaas aan lagu kalsooneyn ayaa sheegay in Jorge Mendes, oo ah wakiilka Vitinha uu la xiriiray maamulka Madrid si loo bilaabo wadahadal. Mendes ayaa lagu sheegay inuu ku jawaabay in Vitinha aanu iib ahayn, balse uu ka tagi karo Paris oo keliya haddii uu isagu codsado bixitaan isla markaana Real Madrid ay bixiso €130 milyan.
XIGASHO LAACIB.NET
