Kadib markii shalay warar ku dhaw dhaw Dowlada Somalia lagu shaaciyay in hawada Somalia laga mamnuucay Diyaarada Arkia ee Israa’iil laga leeyahay ayaa hadana waxaa soo baxaya in diyaaradaasi jabisay amarka Dowlada Somalia.
Diyaaradaan rakaabka ah ee laga leeyahay Israa’iil ayaa maanta soo gashay hawada Somali gaar ahaan gobolada waqooyi iyadoo amarka Dowlada Somalia kadib aan wax isbeddel ah lagu samayn jadwalka duulimaad ee diyaarada Arkia.
Diyaarada Isra’iil ee Arkia ayaa maanta martay marinadii hawada ee caadiga ahaa waxayna ka soo duushay Magaalada Tel Aviv iyadoo ku socotay magaalada Bangkok ee dalka Thailand.
Dowlada Somalia wali kama hadlin talaabada Israa’iil sidoo kalama Lama oga talaabada ay Dowladu ka qaadan doonto xad-gudubka diyaaradaasi soo gashay hawada Somalia, xili laga joojiyay taasoo xad-gudub ku ah madax banaanida dhuleed iyo Hawo ee Somalia.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
