HomeWarkiiMaxaa ka mid ah shuruudaha Mucaaradku maanta hor dhigayaan gogosha Madaxweyne Xassan

Maxaa ka mid ah shuruudaha Mucaaradku maanta hor dhigayaan gogosha Madaxweyne Xassan

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Kulanka Maanta ay u balansan yihiin Mucaaradka Golaha Mustaqbalka ayaa aad loo hadal hayaan inay qaadici doonaan gogosha Madaxweyne Xasan u dhigay ama ay shuruudo adag hor dhigi doonaan xili madaxtooyadu 10-ka bishan isu diyaarineyso qaabilaada mucaaradka.

Sida Mucaaradka qaarkood durba warbaahinta ka sii shegeen waxaa ka mid ah shuruudahooda inuu Madaxweyne xassan joojiyo doorashooyinka uu ka wado maamul Goboleedyda iyo inuu ka laabto dastuurka cusub ee ku badal Dastuurkii hore.

Sidoo kale shuruudaha wali aan la soo bandhigin balse mucaaradka qaarkood baraha bulshada ku sii shaaciyeen waxaa ka mid ah inuu Madaxweynuhu cadeeyaa in muda xileedkiisu ku egyahay 15-ka bishaan May.

Si kastaba Madaxweyne Xassan ayaa hore u sheegay inay marbana ka laabaneyn doorashada qofka iyo codka ah ee ay dalka ka qabanayaan taasoo cadeyn u sii noqon karta in dhinacyadu is fahmi karin lagana yaabo in sidaas ku baaqato gogosha uu dhigay Madaxweyne xassan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -