HomeWarkiiMaxaa ka socda Muqdisho, goormuu qabsoomayaa shirka Dowlada iyo Mucaaradka?

Maxaa ka socda Muqdisho, goormuu qabsoomayaa shirka Dowlada iyo Mucaaradka?

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa Magaalada Muqdisho ka socda dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed iyo kulamo gaar gara ah oo ay yeelanayaan siyaasiyiinta Mucaaradka  xili shalay ay Muqdisho soo gaareen Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Jubaland si ay uga qeybgalaan shirka aaaya ka tashiga Qaran ee Muqdisho ku dhex mari doona Dowlada iyo Mucaaradka Golaha Mustaqbalka.
Xalay kulankii ugu horeeyay waxaa yeeshay Golaha Mustaqbalka waxay ka tashadeen kulamada ay Madaxooyada la yeelan doonaan,waxayna isla garteen in shirka Khamiista laga digo si ay u soo dhameystirmaan madaxda Golaha Mustaqbalka madaama uu u maqan yahay Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh oo maanta dalka ku soo laabanaya .
Xogaha ayaa tilmaamaya in sidoo kale ka hor shirka Dowlada iyo mucaaradka in isbahaysiga Golaha Mustaqbalka ay sii wadan doonaan kulamo wada-tashi hoosaadyo ,sda kulan ay si gaar ah ula qaadan doonaan Xildhibaanada mucaaradka ee ka tiran Baarlamaanka Soomaaliya iyo kulamo ay dhexdooda qaadan doonaan Golaha Mustaqbalka marka uu yimaado Madaxweynihii hore Shariif Sh.Axmed si u diyarsadaam ajandihii ay kala hor tagi lahaayeen Madaxweyne Xassan.
Arinta ugu adag ee laga yaabo inay qal-qiil geliso qabsoomida shirka aadna la isugu maandhaafsan yahay ayaa halka uu ka dhici doono Shirka madaama Dowladuna rabto in Madaxtooyada ay ka dhacdo halka mucaaradkuna doonayaan in Xalane lagu qabto iyagoo aaminsan in xalane dhex dhexaad noqon karto madaama ay tahay goobta kaliya ee Muqdisho ay ka degan yihiin shisheeyuhu.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -