Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Talyaaniga Gen, Giuseppe Cavo Dragone oo Booqasho ku jooga Soomaaliya.

S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Taliyaha Ciidanka XDS iyo dhigiisa Dalka Talyaaniga ayaa ka wada hadlay xiriirka iskaashi ee labada ciidan ee dhanka tababarada iyo qalabeynta Ciidanka Xoogga Dalka.

Advertisement

Giuseppe Cavo Dragone Taliyaha Ciidanka Milateriga Talyaaniga ayaa sheegay in Dowladda Italy ay kaalin buuxda ka qaadan doonto tababarada iyo dhismaha Ciidanka Milateriga Soomaaliya.

Taliye Ibraahim Sheikh Muxudiin Caddow ayaa kaga mahad-caliyay dhigiisa dalka Talyaaniga Booqashada uu ku yimid dalka Soomaaliya, waxuuna ku tilmaamay kaalin aan la hilmaami karin garab istaaga dhanka Ciidan iyo tan Bulshada oo ay ka wadaan Soomaaliya.

Previous articleMadaxweyne Al-siisii oo Muqdisho ku soo wajahan iyo wafdi horu dhac u ah oo laba jeer yimid Xamar
Next articleXil.C/raxmaan C-Shukuur oo xanuun dhanka maskaxda ah ku sifeeyay is dilka qoysaska ee Muqdisho ku soo badanaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here