HomeWarkiiMaxaa ka soo baxay Kulankii Madaxweyne Xasan iyo Cali Guudlaawe

Maxaa ka soo baxay Kulankii Madaxweyne Xasan iyo Cali Guudlaawe

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Kulan xasaasi ah oo warbaahintu maanta aad u hadal heysay ayaa dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Hogaamiyaha Maamulka Hirshabelel Cali Xuseen Guudlaawe iyadoo la isku hayo xilka uu hayo Guudlaawe xili  Beesha Xawaadle aad u dooneyso inay markaan Hirshabelle hogaamiyaaan.
Kulankaan oo lagu sheegay inuu ahaa mid Madaxweyne Xasan ku kala cadeynayo inuu Gudlaawe u qaatay musharaxooda JSP iyo inuu u deyriyo ayaa wararka shirkaan mar dhaw laga helay waxay sheegayaan in is afgarad horu dhac ah laga gaaray islamarkaana ay wanaagsan tahay rajada Cali Gudlaawe walow la sheegay in kulan kale lagu balamay.
Siyaasiyiinta ku dhaw dhaw Madaxweyne Xasan ee ka soo jeeda dhanka Galmudug ayaa la sheegay inay u u xarbinayaan sidii Cali Guudlaawe u noqon lahaa musharaxa JSP ee xilka ugu sareeya Maamulka Hirshabelle iyagoo Madaxweyne Xasan ku cadaadiyay inuu qaato Cali Guudlaawe.
Cali Guudlaawe waxaa cadaadi suu kaga imanayaa dhanka siyaasiyiinta Beesha Xawaadle kuwaasoo Madaxweyne Xasan si weyn uga dalbanaya inuu Cali Guudlaawe meesha ka saaro kuna badalo siyaasi reer Hiiraan madaama kursiga ay mudo ku dhawaad 7 sano ah sugayeen.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMay be an image of suit
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -