MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Shirkii maanta duhurkii ilaa galabta u socday Mucaaradka Dowlada gaar ahaan Golaha Mustaqbalka ayaa war kooban laga soo saaray xili eedeymana loogu jeediyay Dr.Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.
Masuul ka tirsan mucaaradka oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay diyaariyeen aragtidooda sida ay doonayaan inuu noqdo doorashooyinka dalka ay rabaan in laga qabto xili Dowladuna wadato qof iyo cod.
“wada tashi ayaa nooga socdo arintaan, sida ugu dhaqsiyaha badan ayaan u soo bandhigi doonaa” ayuu yiri masuulkaasi
Mar uu ka hadlaayay casuumaada uu Madaxweyne Xasan u fidiyay mucaaradka ayuu sheegay inay wada tashi ka leeyihiin xili ay ogyihiin sida uu sheegay in Madaxweynuhu daacad ka ahayn gogosha uu dhigay madaama uu dhawaan safaro badan dalka banaankiisa u aadi doono.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
