Wararka laga helaayo xuduuda Gobolada Hiiraan iyo Gal-gaduud ayaa sheegaya in saaka kooxda Alsabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisomo ay ku sugnaayeen ciidamada macawisleyda reer Hiiraan.
Fariisinka macawisleyda ayaa ku yaal deegaan lagu magacaabo Birta oo dhaca soohdinta gobollada Hiiraan iyo Galgaduud waxaana dagaalka la isku dhaafsaday hubkla nuucyadiisa kala duwa iyadoo macawisleydu si adag isaga difaaceen weerarka lagu soo qaaday.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in macawisleydu ka hor tageen werarkaasi ayna fashiliyeen qorshihiiAl-shabaabku ka lahaayeen oo haa inay qabsadaan deegaankaasi.
Saraakiil u hadashay macawisleyda Hiiraan ayaa warbaahinta ayaa guul ka sheegtay dagaalkaani ,waxay tilmaameen inay alshabaabkii weerarka ahaa ku jabiyeen dagaalka, dagaalamayaal badana ka dileen.
Sidoo kale Macawisleyda waxay sheeganayaan inay sij baacsanayaan kooxdii Alshabaab , sidoo kalan ay soo bandhigi doonaan meydadka dagaalamayasha Alshabaab, ma jirto warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada sarakiisha macawisleyda Hiiraan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
