Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 9-aad, ayaa guul weyn ka soo hooyay dagaal ay la galeen kooxaha Khawaarijta oo ka dhacay deegaanka Abagbeeday, oo qiyaastii 20km dhanka bari kaga beegan magaalada Xuddur ee gobolka Bakool Sida goor dhaw lagu shaaciyay raadiyaha askarta Dowlada.Taliyaha Guutada 9-aad, G/le Dhexe Yoonis Aadan Xasan, ayaa xaqiijiyey in ciidanka ay si geesinimo leh ufuliyeen howllgal ay Khawaarijta kaga furteen hub iyo saanad ciidan oo muhiim ah.
Howllgalka ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka XDS ay ku baacsanayaan kooxaha argagixisada, si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni ka hanaqaada guud ahaan dalka.

















