MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadie ayaa qaabilay muwaadin Soomaaliyeed oo reer Muqdisho kaasoo cabanaya in lagu heysto gurigiisa oo ku dhaw xera Ruush.
Muwaadinka wuxuu Gudoomiyaha tusay warqadaha lahaanshaha gurigiisa oo sharci ah islamarkaana taariikheysan.
Gudoomiyaha ayaa markii uu arkay dooda muwaadinka iyo sabarloogadiisa wuxuu u xaqiijiyay inaan cidna ku xadgudbi karin hadii inta la soo arko dhulkiisa ay cadaato inuusan dhul Dowlo ahayn.
Muuqaalka waxaan ka soo xiganay SMS SomaliTv
