Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta booqday Qubuuraha Macalin Nuur ee Deegaanka Garasbaaley (Taree Disho) si uu ugu jawaabo cabasho ka timid qaar ka mid ah Bulshada Caasimadda.

Duqa Muqdisho oo ay wehliyeen Agaasimaha waaxda dhulka, Agaasimaha Xafiiska Duqa, Afhayeenka Gobolka Banaadir iyo Maamulka Deegaanka Garasbaaley ayaa waxa uu halkaasi kula hadlay Bulsho ka wal-walsan warar muddooyinkii ugu danbeeyay baraha Bulshada la isla dhex maraayay taasi oo aheyd in halkaasi la dhisanaayo isla markaana qubuuraha laga bixinaayo.

Advertisement

No photo description available.

Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in Qubuuraha Macalin Nuur uu yahay mid soo jireen ah oo aan la ogolaan karin in xilligaan ay dad sheegtaan, Dowladda Hoose ee Xamar iyadu Mas’uul ka tahay wixii Qubuuro ah.

Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale)  ayaa amray in aan laga saari karin wax qabri ah, halkaasna laga dhisi karin guryo, Asigoona faray Maamulka Deegaanka Garasbaaley iyo Agaasinka Waaxda Dhulka Dowladda Hoose ee Xamar Naqshadeynta iyo in darbi lagu wareejiyo Qubuuraha Macalin Nuur si aysan u dhicin ku xad-gudub dhinaca dhulka ah.

Previous articleFaahfaahin dheere ah Qoys dhimasho iyo dhaawac ku noqday Hoobiye ku dhacay Gurigooda Muqdisho
Next articleXog hoose : Madaxweyne Xasan Sheekh iyo saamileyda siyaasadda oo si fool ka fool ah…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here