MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ciidamo Booliis ah oo ka socda Dalka Uganda ayaa dhawaan soo gaaray Magaalada Muqdisho sida ay sheegayaan warar ku dhaw dhaw taliska ciidamada Midowga Afrka ee magaca AUSSOM ku jooga Somalia.
Ciidamadaan oo ah dumar ayaa sida la sheegay ah badankood dumar waliba ah haween aan dhalinyaro ahayn sidoo kalana aan lahayn qibrad ciidanimo marka la eego shaqada laga rabo booliis dalkiisa laga qaaday ee hadana loo diro dal kale.
Arinta ka yaabka leh ayaa ah in ciidamadaan la doonayo inay ka howlgalaan Gobolada Shabeelaha hoose iyo shabeelaha dhexe oo labaduba ah furan dagaal madaama kooxda Alshabaab ku badan yihiin goboladaasi.
Somalia oo la ogyahay in ciidamo badan oo Somali ah ay ka howlgalaan sidoo kale kuwa ajaanib ah ka howlgalaan tiiyoo hadana wali alshabaab awoodoodu muuqato in haween Somalia loo soo diro waxay noqotaa mashruuc dhaqaale raadis uun iska ah.
Dhanka kale Dalalka Somalia iyo Uganda oo madaxdoodu xiriir wanaagsan leeyihiin ayaa loo aaneyn karaa ciidamada Uganda oo awal ba u badnaa kuwa milateriga in hadana booliiskana ay soo badsadaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
