HomeWarkiiMaxaa kala socotaa Safarka Madaxweyne Xasan uu ku tagayo Dowlad Deegaanka Soomaalida...

Maxaa kala socotaa Safarka Madaxweyne Xasan uu ku tagayo Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu beri u safro dhulka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya gaar ahaana Magaalada Godeey halkaasoo uu ka dici doono shir dalal dhowr ah lagu casuumay.

Shirkaan oo looga hadli doono amniga , iskaashiga Dalalka Geeska Afrika iyo Dalxiiska ayaa sidoo kale waxaa lagu casuumay Madax kala duwan,Maanta waxaa gaaray Itoobiya Taliyaha Sirdoonka Kenya Nuuradiin Xaaji kaasoo isna qeyb ka ah shirkaasi waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustaf Cag-jar.

Sidoo kale la-dagaallanka khataraha waxa loo yaqaan argagixisada, iskaashiga sirdoonka,iyo xasi;loonida Gobolka ayaa ka mid ah qodobada miiska saaran ee shirkaani looga hadli doono waxaana hogaamin doono Abiy Axmed Ra’iisulwasaaraha Itoobiya.

Madaxweyne Xassan oo howlo badan ku uran yihiin ayaa hadana u muuqataa inuu ahmiyad siinayo casuumaada uga timid Abiy Axmed.

 XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -