Qaar kamid ah, xubno Hanti dhawrka guud ee dawladda Soomaaliya ay ku eedeeyeen in ay musuqmaasuq iyo xatooyo xoolo dadweyne galeen oo la xiray dhammaadkii bishii May, ayaa la xaqiijiyey in qaarkood Damiin lagu sii daayay, kuwana la diiday in la damiinto, iyadoo uu horey Madaxweyne Xassan Sheekh u diiday in wakaalad ama damiin lagu sii daayo dadka musuqmaasuqa loo xiray.

Mid kamid ah Ergayada gaarka ah ee Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa damiintay 2 xubnood oo ka tirsanaa maamulka degmooyinka Warta Nabadda iyo XamarJajab ee Muqdisho, oo ay isku beel kasoo jeedaan Madaxweynaha.

Advertisement

Laakiin, waxaa la diiday in la damiinto oo wali xiran 3 xubnood oo kasoo jeeda beelaha kale ee Soomaalida, kuwaas oo la diiday in damaanad banaanka ku joogaan, si lamid ah sida xubnaha kale damiin loogu ogolaaday.

Talaabadan, waxay muujinaysaa sida Madaxweyne Xassan Sheekh iyo kooxdiisa aysan ka go’onaansho uga aheyn musuqmaasuq la dagaalanka, balse ay u tahay mid beegsi wehliyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here