Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo xooggan kawada deegaanno katirsan Gobolka Galgaduud gaar ahaan dhinaca Bariga waxa ay u dhow yihiin in ay gudaha u galaan Degmada Ceelbuur.

Ciidanka Federaalka oo kaashanaya Dadka Deegaanka ayaa xalay ku hoyday deegaanno ku dhow Degmada Ceelbuur, saraakiisha howlgalkaas hoggaamineysa ayaa sheegay in maanta ay gudaha u galayaan Magaaladaas.

Advertisement

Xildhibaanno, Senataro, Siyaasiyiin, Saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kala derajo duwan ayaa ku sugan deegaanno hoostaga Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud si ay isugu diyaariyaan la kulanka bulshada halkaas ku sugan marka gacanta lagu dhigo.

Qaar kamid ah mas’uuliyiinta howlgalka ku wehliya Ciidamada Federaalka iyo Dadka Deegaanka ayaa Mustaqbal u sheegay in waxyaabaha ugu badan ee dadka deegaanku kala hadlayaan ay yihiin la shaqeynta ciidamada & in aanay barakicin.

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka & Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in si taxadar leh loo galayo Degmada Ceelbuur si aanay waxyeello usoo gaarin Dadka Shacabka ah oo dhegaha u taagaya howlgalka culus ee ku wajahan Degmadooda.

La soco wixii kasoo kordha.

Previous articleCiidanka xoogga dalka iyo kuwa Deegaanka oo kaabiga ku haaya Degmada Ceelbuur
Next articleTrump oo laga sii daayay Xabsiga Fulton County oo uu ku xirnaa 20 daqiiqo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here