HomeWarkiiMaxaa ku qoran warqada ay mucaaradka Golaha Mustaqbalka u direen dalalka ay...

Maxaa ku qoran warqada ay mucaaradka Golaha Mustaqbalka u direen dalalka ay ciidamadu ka joogan Soomaaliya.

Mucaaradka Dowlada ee la baxay Golaha Mustaqbalka Somalia ayaa warqad afka ingiriiska ku qoran waxay u direen dalalka ay ciidamada ka joogaan Somalia ee maanta iyo ku shiraya Magaalada Kampala ee xarunta Dalka Uganda.
Golaha Mustaqbalka waxay warqadooda ku xuseen in Dowlada Somalia ay lumisay sharciyadii heshiiska lagu ahaa  islamarkaana Dowlada uu Madaxweyne Xasan  hogaamiya diiday in arimaha doorashooyinka laga gaaro heshiis wada ogol ah.
Mucaaradka waxay soo jeediyeen in xiligaan loo baahan yahay Gole KMG ah oo la wareega talada Dalka taasoo la micno ah in awooda laga qaado Madaxweyne Xasan iyo xukuumada Ra’iisulwasaare Xamza Cabdi Barre .
“Goluhu wuxuu ku baaqayaa in heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay lagu dhiso Gole Kumeel-gaar ah si loo soo celiyo sharciyadda iyo kalsoonida”ayaa lagu yiri warqada ay mucaaradku u direen Shirka ay leeyihiin Dalalka Ciidamada ay ka joogaan Somalia
Sidoo kale Mucaaradka Golaha Mustaqbalka waxay warqadooda ku sheegeen inay ku baaqayaan in ilaa inta laga dhisayo hay’ado qaran oo sharci ah in Golaha kumeelgaarka ah uu diyaariyo doorashooyinka geedi-socodka dastuurka.
Dhanka kale Golaha Mustaqbalka wuxuu  ku baaqay in Howlgalka Ciidamada AUSSOM iyo taageerada caalamiga ah ee Somalia shuruud looga dhigo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay,mucaarad iyo muxaafad.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMay be an image of ticket stub, diary and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -