Mudaaharaadka berrito ayaa u muuqda mid aan sinna ku baaqan doonin, waxaa la galiyay diyaar garow badan, Waxaa yar xeeladaha ay adeegsan karto dowladda waqtigeeda dhamaaday si ay u baajiso mudaaharaadkaas,

berrito oo jimce ah ayaa isha lagu wada hayaa waxa dhici kara, waxayna u muuqataa in laba mid aysan dhaafi doonin, Tan koowaad in mudaaharaadka ku dhaco si nabad ah, halkaasna ay ka muuqato saamaynta midowga musharixiinta guul ama guuldaro, taasoo hadii sida loo qorsheeyay u dhaco banaan-baxa culays wayn soo wajahi karo siyaasadda dowladda ka damacsan tahay doorashada.

Tan labaad ayaa ah in uu dhaco carqaladayn sababa isku dhac kaasoo leh halis aan la saadaalin karin, hadii uu dhaco isku dhac waxaa dhici karta in magaalada yeelato khad cagaaran oo kala qaybiya laba koox oo is diidan, waana waxyaabo horay usoo maray Magaalada muqdisho,

Si kastaba waxaan alle ka barinaa in wax walba ku dhacaan si nabad ah, khilaafka jirana laga gaaro xal dhaxe oo bad baado u noqda dalka & dowladnimada,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here