Habeenkii ay ku dhawaaqeen Labadaba Maamul goboleed ee Galmudug & Hirshabeelle in Ay Kahor yimaadeen Muddo Kororsiga ,Isla markaana Ra’isul Wasaare roble ku dhawaaqay in uu Isaga Hogaaminayo doorsho lagu qabto heahiiskii 17seb, Waxaa Muuqatay Laba Arimood oo Kala ah

1- Cabsida Laga qabo dagaalo iyo Ciidanka Dowladda oo Kala Firxad bilaabay Ayaa Sabab u ahayd go’aanada deg dega ahaay ee labada Maamul iyo Ra’isul wasaare roble.

2-In Roble go’aanka uu qaatay habeenkaas La ogayn Madaxwaynaha Kana Xumaayay, balse Wadahadal labadooda ah lagu xaliyay Arintaas,

Maanta oo PM roble lagu wareejiyay hogaanka doorashada maxaa is badali Kara?

Ka hor inta aan laga hadlin doorasho waa in xal loo helaa Ciidanka degan dhawrka degmo ee aadka u hubaysan ayna hogaaminayaan Saraakiil Caraysan, Ciidankaasi Kuma laaban karayaan Hadal ah Xeryaha ku laabta, bales waxay ubaahan yihiin Isbadal iyo Kalsooni looga Raro Degmooyinka Ay Joogaan, Taasoo Lamacno ah in la.magacaaboa guddi ay Xubno ku leeyihiin Midowga Musharixiinta,

Arinka doorashada Waxaa Muuqata In wax badan u dhici doonin siduu uu rabay Madacwayne Farmaajo, Waxaana Qasab noqon doona mar Walba Dhax dhaxaadiyaal Caalanka ah in ay goob joog ka noqdaan kulamada looga hadlayo doorashada, Taasoo ah Wixii uu diidanaay Madaxwayne Farmaajo,

Dhanka Maamulada Galmudug & Hirshabeele, Waxay Aqoonsan yihiin Saamaynta Midowga Musharixiinta ku leeyihiin deegaanada Labada Maamul, iyadoo dadka kasoo jeeda labadaas Maamul badankood Taageersan yihiin Midowga Musharixiinta, Waxaana Muuqata in Qoor Qoor & Guudlaawe Aysan Hor istaagi karin Xubnaha Xildhibaanimo doonka ah ee Taageerra Midowga Musharixiinta,

Si Kastaba Nabad & Nolol oo Ku Raaxaysanaysay Awood Ciidan Ayaad Malaysaa in ay Meesha Kabaxday, Waxaanah Rajo leh Xildhibaano badan oo Awal u baqayay in Ay meesha kasaarto Nabad & Nolol,

Abuukaate Ibraahim Awale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here