LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Maanta oo Jimco ah taariikhduna tahay 16-ka Janaayo sanadka 2026 waxaa Magaalada Laas-caanood safar taariikhda galay ku tagay Madaxweynaha Soomaaliya Dr.Xasan Sheekh Maxamuud xili uu u tagay inuu ka qeybgalo caleema saarka Madaxweynaha Maamulka cusub ee Waqooyi Bari C/qaadir Aw-Cali Firdhiye.
Haddaba socdaalkaan waxaa laga diiwaan geliyay ugu horeyn in Madaxweyne Xassan uu noqday Madaxweynihii ugu horeeyay ee taga Laas-caanood tan iyo burburkii Dowladii Kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre AUN,Sidoo kale socdaalkaan waxaa loo diiwaan geliyay Madaxweyne Xasan inuu muujiyay geesinimo xad dhaaf ah sababo la isla qiray darteed.
Ugu horeyn Madaxweyne Xassan wuxuu u bareeray inuu tago Magaalo curdun ah oo dhwaan gal ah islamarkaan sanad iyo bar ka hor ay dagaalo ka socdeen,dadkoodu wada hubeysan yihin sidoo kale dagaal ay kula jiraan Maamulka Somaliland oo ay dagaalo xoogan dhex-mareen islamarkaana ay ka go’een madaama ay awal ka tirsanaayeen,waxayna ka hayaan maxaabiis badan oo saraakil sar sare ay ku jiraan.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan wuxuu u bareeray socdaalkaan iyadoo Somaliland gara dhanka aqoonsiga ah ay heshay Israa’iil oo la ogyahay inay ka mid tahay dalalka Dunida ugu Milateriga awooda badan ,kuna sii darso dalka ugu hublka iyo dhaqaalaha badan dunida ayay saaxiibka kowoaad la yihiin.
Madaxweyne Xassan oo horaba loogu yaqaanay inuu geesi yahay marka la eego cabsi gelinta siyaasadeed xili hore loogu diiwaan geliyay inuu yahay Madaxweynihii ugu horeay ee burburkii kadib maleeshiyaad beeleeed hubeysan oo waliba rasaastu ugu wada jirto qoryahooda inuu ku hor istaagay Gobolka Shabeelaha dhexe gaar ahaan Magaalada Aadan Yabaal.
Sidoo kale socdaalkaan waxaa lagu diiwana geliyay in Madaxweyne Xasan dhisay ,dhameystiray dalkana guud ahaan ka hirgeliyay shaqsi ahaantiisa Maamulkii Goboleedkii 5-aad ee Dalku yeesho , kaliya waxaa isaga uusan ku lug lahayn maamulka Puntland oo la dhisay 1998-kii.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM


