Washington(dayniiile.com)-Kadib doorasho adag waxaa ugu danbeyn Aqalka Wakiillada Maraykanka waxay u doorteen Gudoomiye ama Af-hayeenka Aqalka ninka lagu magacaabo Mike Johnson oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga.
Johnson ayaa helay 220 cod, halka ninkii la tartamayay ee Jakeem Jeffries oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga uu helay 209 cod.
Mike Johnson ayaa bedelay Kevin McCarthy oo xilka laga qaaday saddexdii bishan.
HADDABA MAXAAN LAGA YAQAAN AFHAYEENKA BAARLAMAANKA MAREYKANKA.
Mike Johnson oo 51 sano jir ah waxaa laga soo doortaa Louisiana, waana nin caan ku ah sidii waalida lahayd ee uu u taageero
madaxweynihii hore Donald Trump.
Sidoo kale waa nin ku ad-adag xisniga Jamhuuriga,sidoo kale waa siyaasi aad loogu yaqaan sida xooggan uu uga soo horjeedo dhaqanka ah in dadka isku jinsiga is guurssn karaan.
Wuxuuvsidoo kale ka soo horjeedaa in nidaamka ogolaanaya haweenku ilmaha iska soo ridi karaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM