Maxaa laga yiri hadalkii Cali mahdi.?

0

Aragtiyo kala duwan ayaa laga bixiyey hadal uu ka jeediyey furritaanka shirkii beesha Mudulood Cali mahdi Maxamed oo madaxweyne ka soo noqday dalka 1991-dii markii xukunka laga tuuray Dowladdii MS Barre, hadalkaas oo ahaa: “Dowlad fiican haddaan waayo qorigeygii cadaa weli xabadii lagama bixin”

Cali mahdi, ka sokow in loo doortay Madaxweyne KMG ah 1991-dii haddana dad badan waxay ku xasustaan dagaaladii Muqdisho ku dhexmaray ciidamo isaga taageersanaa iyo kuwii AUN Janan Max’ed Faarax Ceydiid dabaqaayadii 1991-dii,  dagaalkaas oo galaaftay nolosha boqolaal kun oo Soomaali ah, burbur lixaad lehna soo gaarsiiyey caasimada.

Hadalka Cali mahdi dad fara badan ayaa ku tilmaamay colaad hurin xilligan aan loo baahnayn, waxaan idin la wadaagaynaa dad meelo kala duwan jooga, oo ka falceliyay hadalka Cali mahdi.

“Dadku ahlu caqliga ah ee og wixii la soo maray, waxay dadkooda kaga digaan in ay ku laabtaan dariiqii lagu halaagmay. Cali mahdi iyo kuwa la midka ah waxay ahayd in ay ka qoomameeyaan jariimooyinkii dhacay ee ay qaybta ka ahaayeen, ummaddana cafis waydiistaan, maanta in loo sacbiyo hadalo colaad hurin ah wax la qaadan karo ma ahan, waxaan u baahanahay siyaasad ku dhisan inaad si nabadgelyo ah ku diido wixii aad saluugto, dowladnimaddan kabkabka ah ee inoo dhisan qofka doonaya inuu damaciisa u baab’iyo ma ahan wax aan qaadan karno”

“Waxay ahayd inuu la yimaado caqli iyo maskax caafimaad qabta, kana leexdo dariiqa xabbada, colaada iyo dagaal hurinta, sida uu ku faanayo wuxuu haystaa aqlabiyad, haddii ba aad aqlabiyad tahay waxaad fikirkaaga iyo rabtaanka ku cabiri kartaa si nabad ah haddeey tahay la xisaabtanka dowladda iyo haddeey tahay inaad dooneyso in maamul goboleed loo sameeyo”

“Waxaan u maleynayaa cimriga uu joogo, waxay ahayd inuu ALLE dambi dhaaf ka waydiisto dadkii uu xaabadda kaga dhigtay dagaaladii sokeeye, maanta isaga iyo kuwa la midka ah ma ahayn in ay ummadda soo hor-istaagaan”

“Farmaajo damaciisa in laga hortago waa qabaa, layskana diido, laakiin haddaad dagaal ku baaqdo annaga dadka kuu xigna ayaa ku xirxireyna”

 

 

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here