qaar ka mid ah Wasiirada ka qayb galaya shirka ee ka socdey dalalka Caalamka.

Wasiirka ayaa wuxuu kulama gaar- gaar ah la yeeshay wasiirada kala ah:
1. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadk dalka Cuman
2. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka dalka Sucuudiga
3. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka dalka Netherlands
4. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Dowlada Sweden
5. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dalka Bangladesh.

Wasiirka iyo dhammaan wasiirada uu la kulmay ayaa iska waraystay xaalada qeybta Caafimaadka ee dalkeena Soomaaliya iyo sidii kor loogu qaadi lahaa dadaalka dib loogu dhisayo nidaamka caafimaadka ee Soomaaliya.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr.Cali Xaaji Aadan ayaa u mahdceliyay Wasiirada kuwooda taageeray nidaamka caafimaadka ee dalkeena Soomaaliya.

Ugu danbayn Wasiirka iyo Wasiirada kale ee dhiggiisa ah ayaa ku balamay in la xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo dalalkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here