HomeWarkiiMaxaa looga hadlay kulan saraakiisha Puntland markab dushiis kula yeesheen Midowga...

Maxaa looga hadlay kulan saraakiisha Puntland markab dushiis kula yeesheen Midowga Yurub

BOOSAASO (DAYNIILE.COM)- Saraakiil ka tirsan Booliiska Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa kulan gaar ah waxay markab dushiis kula yeesheen saraakiil ka tiran Ciidamada Badda Midowga Yurub (EUNAVFOR) kuwaasoo ka howlgala biyaha Gacanka Cadmeed.

Markabka shirku ka dhacay ayaa ah markabka dagaalka ee Dalka Spain oo hada ah hogaanta howlgalka ATLANTA.

Sida aan xogta ku helnay kulankaan ayaa looga hadlay amniga bada Somalia gaar ahaan sidii la isaga kaashan lahaa la dagalanka burcad badeeda aalaaba afduubata maraakiibta ganacsiga iyo kuwa kaluumeysiga sharci darada ah.

Dhanka Maamulka Puntland waxaa kulanka ku matalayay Saraakiil Booliis ah oo kala ah Gaashaanle Dhexe Sakariya C/raxmaan iyo  G/le dhexe Aadan waxaana qaabilayRear Admiral Francisco Javier Vázquez Sanz.

Sidoo kale Gashanle dhexe Aadan ayaa isna amaan u soo jeedinaya iskaashiga joogtada ah ee ka dhexeeya Midowga Yurub iyo Booliska Puntland marka la eego dhanka amniga Badda.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -