HomeWarkiiMaxaa looga hadlay Kulanka Caawa Nairobi uga socda Xildhibaanada Puntland iyo Jubaland...

Maxaa looga hadlay Kulanka Caawa Nairobi uga socda Xildhibaanada Puntland iyo Jubaland ku matala Faderaalka

NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaasi caawa uu ka socdo  Kulan ay si gaar ah isugu imaadeen Xildhibaanada Puntland iyo Jubaland ku matala Faderaalka Soomaaliya.
Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in Xildhibaanada labada maamul ee ku kacsan Madaxweyne Xasan ay ka wada tashanayaan si ay go’aan wada jira uga qaataan inay soo xaadiraan furitaanka kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka madaama Aadan Madoobe iska casilay.
Xildhibaanada oo ay macquul tahay inay qaadacaan iyo inay aqbalaan labadaba ayaa wali shirkoodu socdaa lamana saadaain karo go’aanka ay qaadan doonaan ,inkastoo xildhibaanada ay mushaar ka qaataan Dowlada taasina ay ku riixi karto inay aqbalaan.
Dhanka kale mar kasta oo doorasho ay jirto waliba xil sare sida Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa la ogyahay in musharixiintu sameyn doonan kala jiidashada xildhibaanada iyadoo musharax kasta uu dhaqaale badan u soo diyaarsaday sidii uu ku heli lahaa kursiga Gudoomiyaha Baarlamaanka taasina ay xildhibaanada Nairobi ku shirsan ku riixi karto inay tagaan xamar kana qeybgalaan doorashada.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -