HomeWarkiiMaxaa looga hadlay kulanka maanta uu Duqa Muqdisho la yeeshay qaar ka...

Maxaa looga hadlay kulanka maanta uu Duqa Muqdisho la yeeshay qaar ka mid ah Gudoomiyayaasha Demooyinka Gobolka Banaadir +SAWIRRO

𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨, 𝐉𝐚𝐧𝐚𝐚𝐲𝐨 𝟏𝟕, 𝟐𝟎𝟐𝟔: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kulan shaqo la yeeshay Koonsalllada Degmooyinka Shibis, Yaaqshiid, Gubadleey, Kaaraan iyo Heliwaa, kuwaas oo ka wada tirsan Qaybta Bari ee Gobolka Banaadir.

Kulankan oo qayb ka ah wadatashiyo sal ballaaran oo dib loogu eegayay heerarka shaqooyinka heer degmo ayaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta hawlaha maamul ee degmooyinka, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha degmooyinka, iyo hagaajinta hannaanka fulinta waajibaadka dowladnimo ee heer degmo, si loo helo adeegyo hufan oo wax ku ool ah.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa boorriyay muhiimadda ay leedahay dib-u-dardargelinta hawlaha maamul, xoojinta isla-xisaabtanka, iyo kor-u-qaadidda wada-shaqeynta degmooyinka, si loo xaqiijiyo adeegyo tayo leh oo si siman u gaara bulshada ku nool Muqdisho.

Dhankooda, koonsallada Degmooyinka Qaybta Bari ayaa soo bandhigay warbixinno faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda guud ee degmooyinkooda, horumarka socda, caqabadaha jira, iyo baahiyaha mudnaanta u leh in wax laga qabto.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa faray hoggaanka degmooyinka inay dardargeliyaan shaqooyinka loo igmaday, islamarkaana ay si wadajir ah uga shaqeeyaan xoojinta maamulka, sugidda amniga, iyo horumarinta adeegyada danta guud, si loo daboolo baahiyaha shacabka caasimadda.

DHAMMAADMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and newsroomMay be an image of one or more people, beard, suit and newsroomMay be an image of one or more people, beard and daisMay be an image of one or more people, beard and daisMay be an image of one or more people and people studyingMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, beard and suitMay be an image of one or more people and beardMay be an image of one or more people, dais and newsroomMay be an image of one or more people and beardMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people, newsroom and daisMay be an image of one or more people, suit and newsroomMay be an image of one or more people and beard

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -