HomeWarkiiMaxaa looga hadlay kulanka Nairobi ay ku yeesheen qaar ka mid Mucaaradka...

Maxaa looga hadlay kulanka Nairobi ay ku yeesheen qaar ka mid Mucaaradka Dowlada ee Samatababixinta

NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya waxaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay sedex ka mid ah musharixiinta xilka Madaxweynaha Somalia islamarkaana iskala tirsan Madasha Samatabixinta Soomaaliya iyo waliba Golaha Mustaqbalka.

Siyaasiyiinta kulmay ayaa kala ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ,Xildhibaan C/qaadir Cosoble iyo Khaliif C/qaadir Macalin Nuur kuwaasoo dhamaantood ka mid ah mucaaradka Dowlada, Khaliif C/qaadir oo hoygiisa lagu kulmay ayaa ka hadlay waxyaabaha ay ka wada hadleen.
“Waxaannu si wadajir ah u falanqeynay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, midnimada qaranka, iyo mustaqbalka dowladnimada Soomaaliyeed, kuwaas oo u baahan xal siyaasadeed oo dhab ah si loo dardar-geliyo dowlad-dhis wanaagsan oo waara” ayuu yiri Khaliif C/qaadir Macalin Nuur.
Sidoo kale Khaliifka wuxuu sheegay in wada shaqeynta iyo wada-tashiga uu yahay  jidka kaliya ee ay ku ilaalin karaan midnimada iyo mustaqbalka Soomaaliya.
“Wadatashi iyo wada-shaqeyn ayaa ah jidka kaliya ee aan ku ilaalin karno midnimada iyo mustaqbalka Soomaaliya, ahna furaha isbeddalka dhabta ah ee dalka u baahan yahay” ayuu mar kale yiri Khaliif C/qaadir Macalin Nuur oo ka warbixinayay kulanka ay yeesheen isaga Shariif  Sheekh Axmed iyo C/qaadir Cosoble.May be an image of one or more people and dais
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM 
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -