Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo oo uu weheliyo Hoggaamiye Ku xigeenka Maamulka ayaa shir guddoomiyey kulan aan caadi ahayn oo ay xalay yeesheen Golaha Fulintu.

Kulanka ayaa diirradda lagu saaray xoojinta amniga gudaha iyo adkaynta difaaca.

Advertisement

Sidoo kale, kulanka ayaa si weyn loogu falanqeeyey Kacdoonkii Buluugga ahaa ee kal hore haddaaya ka curtay Caasimadda gobolka Sool ee Laascaanood. Kacdoon kaas oo dhaliyey nabadda iyo xasilloonida ah maanta shacabka reer SSC-KHAATUMO ku naalloonayaan.

Hoggaamiyaha ayaa xusay doorka shariifka ah ee dhalinyarada SSC-Khaatumo ay ku lahaayeen halganka, iyagoo ahaa ciddii 1aad ee ka dhiidhiday dulmigii deegaanka ay ku hayeen malayshida Soomaliland.

Dhanka kale, Golaha ayaa si wadajir ah ugu tacsiyeey uguna duceeyey dhammaan shuhadadii u naf-weyday halganka iyo kacdoonka bulluugga ah ee deegannadda lagaga sifeeyey dulmigii Soomaliland.

Golaha ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyay Alle Ha u naxariiste Cabdifataax Cabdillaahi Cabdi (Hadraawi) oo 26 December 2022 lagu dilay magaalada Laascaanood, iyadoo dilkiii cadawgu u gaysteen shahiid Hadraawi uu horseeday kacdoonkii ay dhalinyaradu hoggaaminaysay, kaas oo ugu danbayna 25 August deegannadada lagaga saaray ciidamada malayshida Soomaliland.

Ugu danbayn, Hoggaamiyaha ayaa ugu baaqay shacabka SSC-Khaatumo in ay sanad kaddib markale hirgeliyaan halgan ku wajahan dawlad-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha nolosha.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Maamulka SSC-Khaatumo
Email: Info@ssckhaatumo.so

Previous articleHoobiyayaal dhimasho sababay oo Saaka ku dhacay Xaafado Muqdisho ka mida
Next articleMaxaa ka jira in Maamulka Puntland soo xuleen 17-Xildhibaan ee SSC Khaatumo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here