Waxaa Maanta qadka Taleefoonka kuwada Shirey Wasiirka Maaliyada Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada.

Kulankaan waxaa shir gudoominayay oo  qabanqaabadiisana lahaa Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige.

Advertisement

Kulankaan waxaa looga hadlay arrimo ku saabsan horumarinta Maaliyadda Dalka si ay uga wada faa’iideystaan fursada  Dowladda Federaalka  oo deymihii lagu lahaa laga cafiyay.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasiirka Maaliyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaama dowladu gashay waji cusub oo horumarin dhaqaale ah iyo sanad cusub oo la higsanaayo meel sare ay taasi keentay in Wasaaradiisu la tashi la sameyneyso Maamul Goboleedyada.

Wasiirada maaliyada maamul Goboleedyada ayuu sheegay inuu kala tashanaayo wadada cusub ee horumarinta Maaliyada Dalka, sida hanaanka dib u habeynta,mashaariicda horumarineed ee saaxiibada caalamka iyo mustaqbalka hagaajinta dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale waxay wasiiradu wax iska weydiiyeen in wada jir loo keeno qorshayaal lagu kobcin karo dhaqaalaha Soomaaliya,abuurista shaqooyinka iyo dhisida mustaqbal dhaqaale

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleFaahfaahino ka soo baxaya qarax Nairobi ka dhacay
Next articleGudoomiyaha Maxkamada Ciidamada oo sheegay in Xabsi yari ay ka jirto Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here