QUDUS (DAYNIILE.COM)-Waxaa isa soo taraya kulan xasaasi ah oo xalay Magaalada Qudus ee dhulka la haysto ee reer Falastiin ku dhexmaray Masuuliyiin ka socday Dowlada Itoobiya iyo Israa’iil iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan muhiimada iyo qodobada looga hadlay kulankaani.
Kulankaan oo lagu sheegay wareeggii afraad ee wadatashiyada siyaasadeed ee u dhexeeya labada dhinac ayaa sida ay sheegtay Wasaarada arimaha dibada Itoobiya kulanka waxaa looga hadlay xaaladda Geeska Afrika, Bariga Dhexe, ilaalinta biyaha,taknoolijiyada iyo dhisidda awoodaha wax lagu sheegay.
Sidoo kale wararka Itoobiyaanka laga helay waxay sheegayaan in shirkaani lagu soo qaaday ilaalinta wax ay ku sheegee dhaxalka taariikheed ee ay wadaagaan labadooda dhinac.
Dhanka kale marka la eego shirkaani waxa sii kordhaya shakiga ah in Itoobiyanku si hoose Yuhuuda ugala shqeynayaan arinta aqoonsiga Somaliland iyo Israa’iil soo degto Somalia islamarkaana awood milateri ku yeelayo deegaanada Gobolada Waqooyi Somalia iyagoo ku soo marmarsiyoonaya inay ku yimaadeen iskaashiga ay la leeyihiin Maamulka Somaliland si Yuhuudu Carabta uga duusho Somalia halka Itoobiyaanku si sahlan ku heli doonto marin biyood-ka Badda Somalia iyagoo dhankoodana ku marmarsiyoon doonaan heshiis ay la galaan Maamulka Somaliland hadii aaney Dowlada Somalia ka hortagin.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
