Taliyaha Booliska Dowlad Gobaleedka Puntland Sareeyo Guute Muumin Cabdi Shire ayaa shir gudoomiyay shirka khamiisla ah ee gobolka Nugaal.

Shirka ayaa waxaa todobaadkaan diiradda waxaa lagu saaray Amniga deegaanada Puntland, Taliyaha Booliska Puntland Sareeyo Guute Muumin Cabdi Shire isagoona ku amray Sarakiisha “in ay howl galada sii wadan dagaal adagna lala galo kooxaha Mandooriyaha iyo Argagixisada si amniga caasimadda kor loogu sii qaado.” Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.

Waxaa sido kale ka qayb galay shirka Hogaanka Laanta Wadooyinka Puntland G/Sare Cabdifataax Siciid Salebaan isagoona ka warbixiyay Shilalka ka dhacay Nugaal bilihii laga soo Gudbay.
Shirka ayaa looga hadlay xaladda amniga Nugaal iyo howl galadii lagu sugayay amniga caasimadda.

Ku simaha Taliyaha qaybta Nugaal G/le Maxamuud Muuse Bille Fardafuul ayaa warbixin ka dhagaystay Sarakiisha Saldhigyada iyo Rugaha ee Garowe.
Taliye ku xigeenka qaybta booliska Nugaal G/le Fardafuul ayaa Sarakiisha ku bogaadiyay shaqada culus ay qabteen iyo heeganka ay ciidamadu ku jiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here