Baydhabo, Abriil, 07, 2026; Hoggaamiyaha kumeelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha degmada Baydhabo ahna duqa magaalada Cabdullaahi Cali Watiin.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha maamulka degmada Baydhabo, gaar ahaan dhinacyada amniga, adeegyada bulshada, iyo horumarinta bilicda magaalada, Hoggaamiye Jabriil ayaana faray Guddoomiyaha magaalada Baydhabo inuu laba jibbaaro dadaallada lagu xoojinayo maamulka iyo adeegyada muhiimka u ah shacabka.
Xildhibaannadii ka qeyb galay kulanka ayaa iyaguna adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn buuxda oo dhexmarta hay’adaha kala duwan ee dowladda, si loo xaqiijiyo horumar waara oo ka hirgala magaalada Baydhabo.



