Muqdisho 11 October 2023—Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta guddoomiyey shirka Tubta Hawlgelinta Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub, taas oo diiradda lagu saarey horumarrada laga sameeyey arrimaha horutabinta u leh Xukuumadda Dan-Qaran.
Shirka oo ay ka soo qeyb galeen Wasiirro ka tirsan Xukuumadda federaalka ah iyo masuuliyiin ka socda Midowga Yurub, ayaa lagu soo bandhigay arrimo ay kamid yihiin siyaasadda loo dhan yahay, amniga iyo xasilinta; kobaca dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda Soomaaliya ka miro-dhalinta arrimaha horutabinta leh, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.
—𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗 β€”
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
May be an image of 4 peopleMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 10 people and newsroomMay be an image of 4 people, dais and newsroomMay be an image of 7 peopleMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais and text
Previous articleWar-murtiyeedka ka soo baxay shirkii mucaaradka Puntland
Next articleQalabka digniinaha fatahaada wabiga oo markii ugu horeysay ebid Somalia laga hirgeliyay Baladweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here