HomeWarkiiMaxaa looga hadlayaa kulan xasaasi ah goor dhaw Dayniile uga bilaabanaya Siyaasiyiin...

Maxaa looga hadlayaa kulan xasaasi ah goor dhaw Dayniile uga bilaabanaya Siyaasiyiin uu hor kacayo Xildhibaan Jacfar

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wararka aan hada ka heleyno Degmada Dayniile ayaa sheegaya in halkaasi goor dhaw uu ka bilaabanayo kulan xasaasi ah oo ay leeyihiin Siyaasiyiinta Beesha Mursade oo ay ku jiraan kuwa ku matala Dowlada Faderaalka Soomaaliya.

Sida aan xogta ku helnay kulankaani xasaasiga ah oo uu hogaaminayo Xildhibaan Jacfar  waxaa looga hadlayaa xiisada ka dhe taagan dadka ku dhaqan Degmadaasi iyo ciidamada Booliiska Dowlada Soomaaliya taasoo salka ku heysa dhul boobka ka socda qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Sida la ogyahay maalmihii ugu danbeeyay waxaa Dayniile ka dhacay dagaalo toos ah oo u dhedeeyay dadka deegaanka iyo ciidamada Booliiska waxaana ka dhashay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed, iyadoo odayaasha ee deegaanka u dhashay ay jir dileen ciidamada Dowlada kuwo kalana ay rasaas nool nool ku dhaawaceen.

Kulankan ka dhacaya Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho wixii ka soo baxa wararkeena danbe ayaad kaga bogan kartaan insha Allaah.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMay be an image of one or more people

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -