Waxaa lagu wadaa in Maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya inay Xarunta Golaha ee Villa Hargeysa ku yeeshaan mid kamid ah kulamadooda caadiga ah.

Xalay ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka lagu wargeliyay in uu jiro Kulanka ayna soo xaadiraan, waxaana Ajandayaasha Kulanka Maanta ay kala yihiin.

1. Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Cunaqabtaynta Maaliyadeed ee Cayiman.

2. Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedyada kala ah
A) Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka .

B) Hidnise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha

Xildhibaannada ayaa dood adag ka yeelan doonaan Ajandayaasha Maanta, kuwaas oo la filayo in Maalmaha soo socda qaarkood ay ansixiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here